RASMI: N’Golo Kante Oo Loo Magacaabay Xiddiga Xilli Ciyaareedka Premier League Abaalmarinta Ay Bixiso EA SPORTS.

66

Kadib markii uu si xiriir ah ugu guuleystay koobkiisii labaad ee Premier League – N’Golo Kante ayaa loo doortay ciyaariyahanka ugu wanaagsan xilli ciyaareedka abaalmarinta ay iska kaashadeen Premier League & EA SPORTS.

Laba iyo toban bilood ka hor wuxuu ka caawiyay Leicester City iney ku guuleysato markii ugu horeysay horyaalka Premier League sidoo kalana Chelsea ayuu xili ciyaareedkaan maanta lasoo dhameyn doono si weyn uga caawiyay.

Kante ayaa abaalmarintaan ku helay kadib markii uu xidig walba oo la tartamayay kaga guuleystay codeyntii ay sameeyeen kabtanada kooxaha, khabiiro ay soo xuleen Premier League & codeynta baraha bulshada.

“Waxey ii tahay sharaf weyn in la ii magacaabo xidiga sanadka iyadoo ay ka qeyb ahaayeen magacyo waaweyn oo kubadda cagta ah, waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo qof walba oo ii codeysay” ayuu yiri Kante.

“Si adag ayaan u shaqeeyaa waqtiga tababarka, waxaan isku dayaa inaan siiyo sida iigu fiican kulana shaqeeyaa ciyaartoy badan oo wanaagsan, taasina waa sababta aan ugu guuleysanay horyaalka”

N’Golo Kante waa ciyaariyahankii koowaad ee ku guuleysta laba jeer oo xiriir ah isagoo ku kala sugan laba kooxood marka lasoo hadal qaado ciyaartoyda gudaha garoonka [Laga reebo goolhayaha], balse hadii si guud loo fiiriyo Mark Schwarzer  ayaa sameeyay 2014/2015 iyo 2015/2016 isagoo la qaaday Chelsea & Leicester City.

Ugu dambeyntiina N’Golo Kante wuxuu abaalmarintaan kaga guuleystay xidigaha kala ah: Eden Hazard, Cesar Azpilicueta, Harry Kane, Dele Alli,Jan Vertonghen, Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.

 

Comments

comments