Beelaha Habar Jeclo iyo Habar Yoonis ayaa waxaa ay maanta magaalada Burco ku soo gabo gabeyeen shir u socdey isla markaana loogu magacdey (Midnimo Laba )

Shirkan ayaa kii ka horeeyey waxaa uu ka dhacay magaalada London isla markaana waxaa shirkan maanta laga soo saaret 9 qodob , waxaana qodobadaas ka mid ahaa

1. Shirka midnimo laba waxaa uu daba socdaa shirkii midnimo kow ee London ka dhacay

2. Shirka midnimo Laba waxaa uu ka shaqeynayaa danaha labada beelood ee Habar Yoonis iyo Habar Jeclo , waxaana uu ka madax banaan yahay siyaasada nooca doonto ha noqotee

3 . Shirku waxaa uu diirada saaraya horumarinta deeganka balaadhan ee ay wada deegaan labadan beelood ee walaalaha ahi

4. Shirku waxuu ku baqayaa in la caawiyo dadkii ay abaaruhu ku dhufteen

5. Shirka waxaa gun dhig u ah in ay lama taabtaan ah qaran nimada iyo madax banaanida Somaliland .

6. shirku waxuu ku baqayaa in ay xukuumadu si gaar ah u caawiso dadka ku nool gobalada bariga dalka oo abaaruhu si xun ugu dhufteen

7. Shirku waxaa uu ka soo hor jeeda wax kasta oo kala fogeynaaya beelaha Somaliland , xisbiyadana waxuu ugu baaqayaa in ay la yimaadaan biseyl siyaasadeed

8. Shirku waxuu soo saarey in muwaadin kasta xaq u leeyahay in uu ku biiro xisbiga uu ku qanco barnaamijkiisa siyaasadeed

Comments

comments