Chelsea ayaa Stamford Bridge ku gumaaday kooxda heerka labaad u dhacday ee Sunderland oo qaybtii hore ee kulankan Blues kala hortimid iska caabin wayn waxayna kooxda koobka Premier leaque-ga ku guulaysatay ee Chelsea xili ciyaareedka Premier Leaque-ga ku soo xidhatay guul 5:1 oo ay ku gumaaday kooxda Black Cats.

John Terry ayaa si qiiro leh u macasalaameeyay ciyaartoyda iyo jamaahiirta kooxdiisa Stamford  Bridge kadib markii uu saftay kulankiisii abid ugu danbeeyay ee kooxdiisa Chelsea. Terry ayaa dhawaan ka bixi doona kooxdii uu waqti dheer soo matalayay ee Chelsea. Ciyaartoyda Chelsea ayaa safaf sharafeed u galay Terry si ay u xusaan waqtigii dheeraa ee uu kooxda ku soo qaatay.

Comments

comments