Somaliland: Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Oo Somaliland U Imanaya Arrimo Beeleed Iyo Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay

1592

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqdey in uu dalkeeda iman Doono raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Mr Abdoulkader Kamil Mohamed.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa markii ugu horeysay arrintan shaaca ka qaadey waxaana uu sababta uu u imanaayo ku tilmaamay in ay tahay sidii uu u baran lahaa tolkiisa beesha Warsangali

“Raysal wasaaraha dalka Jabuuti halkan buu iman doonaa , waxaa uu diyaarad ku tagi doonaa Sanaag bari iyo Ceerigaabo , waxaana uu soo baran doona tolkiisa Beesha Warsan gali ” ayuu yidhi wasiirku

Hadalkan wasiirka ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaaa xili ay Somaliland yimadeen afar xildhibaan oo gogol xaadh u ah raysal wasaaraha isla markaana waxaa shalay qado sharaf u sameeyey xildhibaanadaas Masuulyiinta iyo xildhibaanada Beesha Warsan Gali ee Somaliland ku suga

Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Muddane Abdoulkader Kamil Mohamed ayaa waxaa uu isagu dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Canfar gaar ahaan Jilibka Batu Meela oo isir ahaan ku abtirsada beesha Warsangali.

Comments

comments