Somaliland: Oo Hoos U Dhigtay Awoodda Millatari ee Imaaraadka Carabta

497

“Aqoosnigu runtii waa shay qaali ah weeye wixii qaali ahna waa loo samraa, waanu u samraynaa insha allah”

Xukuumadda Somaliland ayaa hoos u dhigtay wer-werka laga qabo saldhigga Imaaradku ka samaysanayo magaalo xeebeedka Berbera, waxaanay xukuumaddu sheegtay inaanu Imaaraadku lahayn awood millatari oo gobolka ama Somaliland ku qabsan karo.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire oo waraysi siinayay Telefishanka BBC-da ayaa sheegay in markii dhinac walba ka eegeen aanay ahayn in cabsi badan laga muujiyo saldhigaas, waxaana uu sidoo kale ka hadlay aqoonsiga ay Somaliland raacdada ugu jirto iyo halka ay wax marayaan.

Sacad Cali Shire ayaa ugu horayn si kooban uga hadlay qiimaha ictiraafku u leeyahay Somaliland, waxaana uu sheegay in wixii qaali ahba wakhti badan qaato isla markaana ay Somaliland u samrayso helitaanka aqoonsiga, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Horta waxaanu doonaynaa waa inaanu ka mid noqono bahda caalamka, aqoosnigu runtii waa shay qaali ah weeye wixii qaali ahna waa loo samraa, waanu u samraynaa insha allah 26 sanadood baanu u samirnay meel wanaagsana waanu joognaa rajo badana waanu ka qabnaa inaanu gaadhi doon ujeedadayada”.

Geesta kale Dr Sacad Cali Shire waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka waxaana uu hoos u dhigay awoodda millatari ee Imaaraadka carabta, isagoo arrinkaas ka hadayana waxa uu yidhi:

“Dadku haddii ay wer-wer ka muujiyaan saldhigga xaq bay u leeyihiin, waana wax runtii la garan karo weeye, laakiin xaqiiqdu waxay tahay inaanu ku qanacnay in saldhigaan aanu wax dhibaato ah u lahayn Somaliland, Somalia-na aanu u lahayn, saldhigan waxaa isticmaalaya waddanka Imaaraatka oo kaliya, sidaad la socoto Imaaraadku maaha waddan awood leh (Super Power), awood uu gobolka ku qabsan karana malaha, sidaad la socotana waddanka Imaaraadka Somaliland waa la saaxiib, Itoobiya waa la saaxiib Jabuuti laftigeeda cilaaqaad wanaagsan bay lahaayeen illaa dhawaan markaa anagu runtii wax dhibaato ah uma aragno laakiinse waxaanu aragnaa faa’iidadiisa”.

Comments

comments