Somaliland: Jeelka wayn ee magaalada Hargeysa waxa maanta ku geeriyooday maxbuus lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi.

59

Maxbuuskan oo ahaa xukun-suge ama rummaan ayaa waxa soo waajahday daryeel la’aan kaddib markii ay lasoo darseen xanuuno kala duwan oo ay kamid yihiin; Dhiigkar, Macaan iyo Gaastari – sida ay sheegeen qaar kamid ah maxaabiista jeelku.

Maxbuuskan geeriyooday ayaa codsaday in goob caafimaad la geeyo ka hor intii aanu geeriyoon, balse waxa arrintaas ka diiday ciidankii ilaalada jeelka.

Marxuum Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi oo muddo 11 bilood ah ku xidhnaa jeelka wayn ayaa waxa sidoo kale diiday in ay damaanad kusii daayaan maxkamadda iyo xeer ilaalinta maadaama uu ahaa qof ay xanuuno lasoo darseen.

Ugu dambeyntii, Maxbuuskan geeriyooday ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Boorama ee gobolka Awdal.

Comments

comments