War Deg Deg Ah: Magaalada Laascanod Oo Maraysa Xalad Hirig Oo Rasaasto Hadh Ba,,, + Sababta

0

Alle ha sahlee warar hada iga soo gaadhaya Magaalada laascaanood ayaa sheegaya ‘in qaybo ka mida magaalada ay ka socdaan is-rasaasayn dhex maraysa Ciidamada dowlada iyo dad shacab ah,
Is rasaasayntan ayaa timi kedib markoo ciidamadu xabsiga u taxaabeen odayaasha gobolka qaarkood,
Ku dhawaad 50 oday ayaa hadda xabsiga ku jira, ciidmada qaranka ayaa goobtaasi soo gaadhay kedib markii dhalinyaro ka gedooday xadhiga odayaashu mudaharaado rabshada wata halkaasi ka sameeyeen, waxaana goobtii fadqalatadu ka socotay soo gaadhay ciidamda dowlada oo si ay xaalada magaalada u dejiyaan rasaasta nool u adeegsaday mudaharaadayaashii balshe dhalinyaradii mudaharaadaysay ayaa dhinocooda soo qaatay qoryo waxayna iska caabin rasaaseed ku sameeyeen ciidamdii qaranka, ciidamda ayaa waxaa la ii sheegay in ay gurmad ugu yimaadeen gaadiidka gaashaaman ee qaada hubka noocyadiisa kala duwan taas oo keentay in dhalinyaradii gedoodsanayd ciidamadu magaalada iskala bexeen, wax khasaare ahna ilaa hada lama ogaan, balse weli qaybo ka midda magaalada ayaa laga maqaya dhawaqa rasaasta waaweyn……ilaahay khasaare inaguma keeno, wixii warar soo kordhana waan idinla soo socodsiin, ale amniga ha inoo ilaaliyo

Comments

comments