Somaliland: ” Maanta 18 May Maaha Maalinayadii ” Cali Guray

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Mr Cali Guray Oo Si Yaro Koban Uga Hadlay Xuska Iyo Sanad Guurada Maalinta 18ka May Waxanu Sheegay Inaanay Ahayn Maalintood

18 MAY SIDII LOO DILAY EE LOO DELDELAY MAALIN
ANIGUBA WANAAG UGAMA DUDO DUNIDA NUUROW

18 May taydii maaha hadii aanay ahayn tii Xasan Ciise Jaamac, Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Mujaahidiintii SNM. Gudoomiye xigeenkii SNM ee maalintaasi, Gudoomiyihii Kalfadhigii 2aad ee SNM ee Burco oo ahayd madashii lagu ansixiyay 7dii qodob ee gooni-isu-taaga Somaliland ku jiray. Madaxwayne Xigeenkii 1aad ee lagu doortay goobtii lagu ansixiyay Gooni-is-taaga Somaliland isla Markaana Gudoomitihii SNM ka dib markii uu geeriyooda AHN eh Cabdiraxman Axmed Cali.

18 May bilaa abtirsiin ah, oo bilaa asal ah, oo bilaa taariikh ah, oo gebigeeduba durbaan iyo ciyaar ah, ka ay tiisii tahay aniga isku 18 May ma nihin ee hadaba yaanu i tirsan

Comments

comments

SHARE