Somalia: Markab Siday Dhuxul Laga Keenay Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Xeebaha Kuwait

Ciidamo Huwan ah oo fadhigoodu yahay dalka Bahrain ayaa gacanta ku dhigay Markab siday shixnad dhuxul ah oo laga keenay Soomaaliya, taasi  oo la doonayay in hab kotorbaan ah loo galiyo Dalka Kuwait.

Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA oo soo xiganaysa warbixin ay soo saareen ciidaamadaasi, ayaa sheegtay in markabkan lagu qabtay biyaha wadanka Kuwait, uuna siday cadad badan oo dhuxusha laga keeno dalka Soomaaliya, taasi oo mamnuuc ka ah in la soo galiya dalkaasi.

Warbixinta ciidamada huwanta laguma sheegin magaca markabka, Halka uu ka soo shiraacday iyo inta Ton ee dhuxul ah ee uu siday, waana markii u horraysay ee Markab dhuxul sida lagu qabto xeebaha badda carbeed.

Qaramada Midoobay ayaa hore u mamnuucday ganacsiga dhuxusha laga gubo dhirto iyagoo loo aanaynayo inay tahay ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Kooxda Al-shabaab, hase yeeshee weli waa socdaa dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusha ee loo iibgeeyo dalalka carabta oo ay ku jirto dalka Kuwaite.

Comments

comments

SHARE