Waa Xisbiga ?Waxa Sheegayey Islaan Haysata Kolay Qaad Ku Soo Dalacatay Laba Boqol Oo Kun Oo Dollar? Balse Yaa Bixiyey?

446

Guddoomiyaha ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo ku sheegay nin waxba ogayn waxaanu yidhi “waa kaa maanta inanka yar ee dalkeena garanaynin ee Somaliland garanaynin ee waxa aynu gudno iyo waxa aynu galno garanaynin ee ku caqliyaysatay maamulkii Maxamed Siyaad Barre, oo uu leeyahay Somaliland yaan la ictiraafin, Somaliland yaan wax la siinin, Somaliland anniga ayay i hoos timaadaa waxaasi waxa weeyi wixii aynu isku gaysanay, haddaba maanta waxa weeyi Soomaalidii aynu isku darsanay ma jirto ee innaga ayaa jirna, walaalayaan waxa aynu samaysanay dal, ciidamo ayaynu samaysanay, doorashooyin ayaynu qabanay, lacag ayaynu samaysanay, xuduudeenii ayaynu ku dhaw dhaw nahay, intaaba weynu samaysanayo oo shacabka ayaa halgankaa galay” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay xukuumadda Somaliland waxba ka qaban addeegyada aasaasiga oo ay bulshadu baahi weyn u qabto waxaanu yidhi “dhallinyaradiina halkaa joogta biyo miyaad haystaan maya, caafimaad miyaad heshaan maya, tacliin bilaash ah miyaad heshaan maya, laydh miyaad heshaan maya, dawladnimadu intaa ayay ka bilaamata walaalayaal, maanta waxa aad kala ogaataan amma u coddeeya intaa maanta 70-ka kun ee Laangarusar wadataa ku soo noqoto xukunka oo qaad la siisto iyo in aad idinku wax noqotaan oo aad shaqo tagtaan oo biyo heshaan oo dhulkiina ku guursataan oo ku barbaartaan kala tashada iyo maanta in uu nin qaad doonayaa idin yidhaahdo reer hebel ayanu nahay oo reer hebel iskaashi la leenahay ee codka siiya, ma wax ayaad ka hesheen horeba taas ayaa loo sameeyaye, waxa weeyi walaalayaal maanta waa la kala baxay dhalinyardu waxa ay u baahantahay mustaqbal, waxbarasho ayay u baahan tahay, guryo ayay u baahan tahay, shaqo ayay u baahan tahay, qolana waxa ay maanta u baahan tahay waxa ay ku qayisho markaa waxa aan leeyahay ciddii qayilaad doonaysaay labadaa xisbi ayaa maqalkii hayee u qayilaad taga ayaanu leenahay” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in haweenay haysta kolay qaad ay xisbiga KULMIYE ku soo dalacday laba boqol oo kun oo doollar waxaanu yidhi “lacagtiina waxa waxa la ii sheegay in islaan haysta kolay qaad ah inay KULMIYE ku soo dalacday laba boqol oo kun oo doollar yaa bixiyay waxa bixiyay Maayarka Hargeysa”.

Comments

comments