Somaliland: Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo Xalay Safar Ugu Baxay Dalka Dibadiisa + Magacyada Wasiirada Iyo Ujeedada Socdaalkooda Oo Xogo Laga Helayo

92

Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa xalay safar shaqo ugu baxay dalka dibadiisa gaar ahaana wadamada yurubta.

Waxaana waftigan wasiirada ah hogaaminaya wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaana xubno ka ah Wasiirka Cadaaladda Somaliland, Wasiiru dawlaha Deegaanka, Wasiiru dawlaha Beeraha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland,waxaana ay xalay ka duuleen garoonka diyaaradaha Bole international Airport ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waftigan ayaa waxay marayaan wadamo badan oo kamid ah qaaradda Yurub iyaga oo hadda ku horeynaya dalka Sweden,waxaana ujeedada socdaalka waftigan wasiirada ah ay tahay sidii ay jaaliyadda Somaliland ee wadamada Yurub ugala qayb gali lahaayeen xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo ah sanad guuradii 26-Aad ee kasoo wareegtay wakhtigii ay Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeedii iyo waliba sidii ay qurba jooga Somaliland ee wadamadaasi ku maqan ay uga soo ururin lahaayeen dhaqaale loo ururinayo dadka ay abaaruhu ka caydheeyeen xoolihii ay dhaqan jireen taas oo ah talaabada ay xukuumaddu ku badashay xuska maalinkaasi 18 May .

Comments

comments