Somaliland: Wasiir Cali Mareexaan Oo Saaray Warqad Cusub Iyo Waxay Ay Ka Hadlayso Iyo Ciday Ku Socoto

279

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryeenta Somaliland Cali Maxamed Xassan ayaa waxaa uu ka Hadley munaasibada xuska 18 May iyo abaaraha dalka ka dhacay waxaana u yidhi.

” Ugu horeyn Umadda reer Somailand waxaan ugu hanbayeynayaa sannad guuradda 26- aad ee dib ula soo noqoshadii xorriyadda somaliand ee 18-may 1991. Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland, waa mid ku weyn quluubteena, damaashaadkii 18-ka May, 2017-ka, aweed waxaan hanbalyo udirayaa dhammaan Umadda reer somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqeynaa inuu inoo shubay raxmaadkiisa abaartii kululeydna inaga jabiyay. Sidaad la socotaan dalka intiisa badan roobabkii way wada gaadheen, abaartu se waxay inagaga tagtay riiq aad u dheer oo wakhti ina sii heysanaysa.

Waxaan ku dhiirigalinayaa Shacbiweynaha Somaliland, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda kala jooga, in ay si xil-kasnimo, iyo damqasho leh, uga qaybqaataan qaadhaan uruurinta balaadhan, ee Guddida Madaxweynuhu 18-ka May umagacaabay inay sameeyaan qaadhaan ururin maalmaha qaranka ee “18-ka May iyo 26 June” iyo maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ugu dambayn waxaan dadweynaha reer Somaliland ugabmahadnaqayaa sidii ay uga qeyb qaateen taakueyntii abaartii hore, waxaanay mar kale ka codsanayaa uguna baaqayaa inay dardar xoogan muujiyaan una gurmadaan dadkooda abaartu saameysay, sidoo kalana la shaqeeyaan Gudida Madaxweynu Umagacaabay Qaadhaan Ururinta, dhinaca kalana ay mideeyaan maskaxdooda, muruqooda, iyo maalkoodaba, isla markaana ay isuku naxariistaan, si Alle inoogu naxariisto.

Wa Billaahi Tawfiiq…

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta JSL.

Mudane Cali Xasan Maxamed

Comments

comments