Somalia: Ujeedada Safar Uu Madaxwayne Farmaajo Markii Labaad Ku Tegay Sucuudiga

163

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bil Abdulaziz ayaa warqad casuumaad u diray Madaxweynaha dlaka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warqadan caasumada ah ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo soo gaadhsiiyey Safiirka dalka Sucuudiga u fadhiya dalka Kenya Dr. Mohammed Abul-Ghani Khayat oo loo soo dhibay

Waxaana ujeedka uu madaxweyne Farmaajo u tagayo dalka Sucuudiga ay tahay iyada oo lagu marti qaadey in uu ka qeyb galo shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka dhex mari doona oo dalkaasi ka dhici doona

Wali lama cadeyn wakhtiga uu shirkaasi dhici doono balse waxuu noqonayaa shirkii u horeeyay ee noociisa ee dhex mara Mareykanka iyo wadama Islaamka.

Dhamaadkii bishii feberuary ee sanadkan ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqashadii u horeysay ku tagay Sacuudiga Carabiya, kaddib markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Comments

comments