Kenya: Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

72
Somalia: Al-Shabab claims twin suicide bombings in Galkayo
Somalia: Al-Shabab claims twin suicide bombings in Galkayo

Inta la xaqiijinayo afar ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay degmada Liboi ee Kenya kadib markii baabuur ay la socdeen dad rayid ah ay ku qaraxday miino la dhigay waddada geeskeeda.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka yimid Liboi uuna u socday magaalada Gaarisa.

Sidoo kale Waxaa jira dad ku dhaawacmay Qaraxaasi oo shacab u badan.

Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa Saxaafadda u sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, isagoona sheegay in ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagula dagaalamaayo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Maxamuud Saalax in Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ay laba jibaareen Qaraxyadda iyo Weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya ,islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabooyin Arrintaasi looga hortagaayo.

Ugu dambeyntii Shacabka kunool gobolka Waqooyi Barri ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay Weeraro kala duwan ka geysanaayay dalka Kenya.

Waxaana Weerar ay ku qaadeen Shalay degaanka Cumar Jilicow ay ku dileen gudoomiyihii degaankaasi iyo sidoo kale Askar.

Comments

comments