Deg Deg: Caaqil Lagu Weeraray Gudaha Laascaanood + Khasaaraha Soo Gaadhay,Magaca Caaqilka Iyo Xiisad Colaadeed,,,

190

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xalay dabley hubaysani ay soo weerareen caaqil kamid ah madax-dhaqameedka gobolka Sool kaas oo ku jirey odayaashii iyo madax-dhaqameedkii nabadaynta iyo isku soo dhawaynta ka dhex waday labada Beelood ee colaadu ka dhaxayso ee wada dega deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Waxaana caaqilkan ay dableydu xalay soo weerartay lagu magacaaba sida Ramaasnews ay u sheegeen dad ku sugan magaalada Laascaanood Caaqil Maxamud xaaji ismaacil,kaas oo kamid ah madax-dhaqameedka ku jira nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Waxaana dableydan oo hubaysnayd ay caaqilka ku fureen rasaas taas oo sababtay inuu dhaawac culusi soo gaadho caaqilka haddana lagula tacaalayo xaaladiisa cusbitaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gabagabadiina Rasaastan ay dableydu kusoo furtay  Caaqil Maxamud xaaji ismaacil ee ay ugu talo galeen inay ku khaarajiyaan ayaa waxa laga cabsi qabaa inay gobolka Sool markale ka abuurta xiisad colaadeed,waxaaan ciidamada Booliska gobolka Sool ay ku jiraan hawl gallo ay kusoo qabanayaan dableydii rasaasta xalay ku dhaawacday Caaqilka.

 

 

Comments

comments