Oday Xasan Cabdi Muxumed (Xasan-Xaydh) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Caanka ah ee Reer Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay in isaga iyo Taageerayaashiisu ka baxeen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Xasan-Xaydh oo Shir-jaraa’id ku qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wada-tashi ay isaga iyo Taageerayaashiisu Muddo-dheer wada lahaayeen ka dib, Go’aansadeen inay ka baxaan Xisbiga WADDANI oo uu ka mid ahaa Tan iyo Xilligii la aasaasay.

Comments

comments