Somaliland: Dhawaaqi Xuseen Axmed Caydiid Ee Women’s Club-ka Oo Dhaliyay Inuu Madaxweynuhu Ka Horjoogsado Wasiirada Hawlaha Guud Iyo Caafimaadka Iibka Xarun Caafimaad Oo Taariikhi Ah

60

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Amray Cali Mareexaan Iyo Xaglatoosiye Joojinta Bogcad Suuqa Badhtankiisa Ah oo Ay Malaayiin Dollar Ku Faasaxeen

Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa khudbad uu todobaadkii hore jeediyey waxa uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku dhiirrigaliyey islamarkaana ku xujeeyey inuu gacanta dawladda ku soo celiyo xaruntii ay haweenku wax ku baran jireen ee Women’s Club loo yaqaanay

Xarunta Women’s Club oo hore looga iibiyey sherkadda khadka internte-ka ee Somcable ayaa hadda ka mid ah hotelka Cali Jirde ee Marwada Madaxwaynuhu leedahay, waxaana uu Xuseen Axmed Caydiid sheegay in wareegtadii uu dhawaan Madaxwaynuhu ka soo saaray musuqa iyo boobka hantida umadda ay xaruntani u noqon doonto minqiyaas ama cabir guud oo ay shacbigu ka qiyaas qaataan.

Geesta kale wararka ka soo baxaya qasriga Madaxtooyada ayaa sheegaya in isagoo Madaxwaynuhu tixraacaya hadalkaas uu joojiyey iibka xaruntii dhallaanka iyo hooyada ee ku taalay badhtamaha suuqa Hargeysa oo dhawaanahahanba iibkeeda la hadal hayay.

Xaruntan oo uu iibkeeda qal-qaalinayay wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan isagoo la kaashanaya wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye ayaa sida ay wararku sheegayaan inay labdan wasiir Madaxweynaha u bandhigeen in lacagta Badan ee Xaruntaasi lala dul taagan yahay ay dhisi karto Xarumo Caafimaad oo si siman loo gaadhsiiyo Guud ahaan Degmooyinka Magaalada Hargeysi ka kooban tahay oo aan intooda badan lahayn Xarumo Cafimaad ama aanay ka dhisnayn,balse waxa ay wararku sheegayaan inaanu illaa hadda Madaxweynuhu ka aqbalin Dalabkaasi oo uu wali diidan yaha.

Hadalkii Xuseen Axmed Caydiid ee ku saabsanaa soo celinta Women’s Clubka , isla markaana ah hadalka loo badinayo inuu galaaftay iibka xarunta dhallaanka iyo hooyada ay wasiirradu doonayeen ayaa waxa ka mid ahaa:

“Waxaan leeyahay madaxweyne wareegtadaas wakhtiga ay soo baxday waxa uu ahaa qalad oo waxa aad soo saartay xili aad meesha ka tagayso, markaad timi inaad soo saarto ayay ahayd, waxa la yidhi caano daatay dabadood la qabaye, inay kaa dhab tahay iyo in aanay kaa dhab ahayn waxa umadda minqiyaas u ah taas Cumar binu khadaab yeelay inaad yeesho ee uu inankiisii lacagtii uu kasbaday uu ka qaaday ee uu baytalmaalka kaga daray inaad yeesho ayay umaddu kaa eegaysaa haddii kale ciyaar iyo iska hadal ayay kaa noqonaysaa.

Waxaan xusayaan islaan aan dalka u dhalan islaamna aan ahayn oo Ingiriiska ku kortay oo ku waynaatay oo qadarku uu Somaliland keenay qarniyo hore ayaa waxay aragtay sida umadda Somaliland ay isaga dayacantahay dumarkuna gaar ahaan u sii dayacanyihiin aduunkii yaraa ee ay kasbatay ayay laba ama saddex qol ka dhistay oo jeebkeeda ayuu ahaa, aqalka la yidhaahdo Woman’s Club-ku intaas ayuu ku bilaabmay markii danbe ayay dawlada Ingiriisku yara balaadhisay, umaddu waxay is waydiinaysaa mee madaxweyne Woman’s club-kii, min qiyaas ayay u noqon doontaa inay wareegtadaadu run tahay iyo in aanay ahayn, aqalkaasi waxa ay umaddu soo eegayso ayuu ka mid yahay ee qoyskaagu uu kasbaday intaad talada haysay ee aad kursiga ku fadhiday ee aad xoolaha umadda haysay. Waxaan leeyahay tinkii cirro ah ee inaga soo baxaaba waa digniin, aniguna waan cirro badnahay oo digniintaasi way i haysaa adiguna madaxweyne waad iga cirro badantahay, waad iga digniin badantahay digniintaasi wax haynoo sheegto oo umadda hantideedii aynu u soo celino hadday warqadaasi kaa dhabtahay.”

Comments

comments