Maayirkii degmada Xariirad ee Gobolka Awdal , ayaa ku geeriyooday daad ku qaaday deegaankaasi, ka dib markii isaga iyo wefti uu la socdo oo uu hogaaminayey wasiir ciyaaraha Somaliland  uu daad qaaday sidaasna uu ku geeriyooday Alle ha u naxariistee  maayirkii degmada xariirad.
Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa la sheegay in uu daadkaasi qaaday ka badbaaday oo uu ku dhaawacmay, isla markaana ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye.

Dooxa Qaaday gaadhigii ay la socdeen masuuliyiintani ayaa lagu magacaabaa Sac Waraabis, waxaanu shan kilo mitir dhinaca koonfureed ka xigaa magaalada Boon ee gobolka Awdal.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, wasiir ku xigeenka wasaarada,wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha iyo shaqaalaha wasaaradaha rimaha gudahu waxa ay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii,qaraabadii,ehelkii iyo waliba shacabka Somaliland ee uu ka baxay Maayarkii Degmada Xariirada Oo Daad Qaaday U Geeriyooday.

Masuuliyiinta wasaaradu iyo shaqaalahooduba waxa ay ilaahay uga baryayaan inuu Naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Saadiq Ah Ka Siiyo.

Comments

comments