Somaliland: Sheekh Maxamed Cali Geedi Oo Hore Ugu Biiray Xisbiga Waddani Kana Mid Ahaa In Muddo Ah Oo La Soo Istaagay Inaanu Waligii Xisbi Ku Biirin Oo Uu Dhex U Yahay Axsaabta.

186

“Sheekhan Ayaa Arintan La Yimid Kadib Markii Lagu Daray Gudida Abaaraha Heer Qaran Ee Madaxweynuhu Doraad Ku Dhawaaqay,Iyo Muran Ka Yimid Masuulkan Oo Magaciisa Lagu Lifaaqay Waddani”.

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah Culimada Iyo Samefalayaasha Reer Somaliland ee bulshada u adeega ayaa gabi ahaanba dafiray inuu ka mid yahay, islamarkaana uu marnaba ka mid noqday Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Gudida Ka soo kabashada Abaarta Somaliland ka dhacday, sidoo kalena liiskii gudidaasi markii la soo saaray Magaciisa la raaciyay Xisbiga WADDANI arintaasi oo uu si gaar ah uga xumaaday.
Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa Markii uu magaciisa ku arkay iyadoo lala xidhiidhiyay Xisbiga Muraaridka ah ee WADDANI Shir Jaraa’id qabtay,Waxaana uu yidhi “Magacayga Waxaa la yidhaa Sheekh Maxamed Cali Geedi,Waxaan ka shaqeeyaa Samafalka, Waad igu taqaanaan ayaan umalanayaa,Gudida Ka soo kabashada Abaarta ayaa la igu daray laakiin Magacayga waxaa lala xidhiidhsiiyay Markii hore ee lana qorayay Xisbiga WADDANI, Waxaan jeclahay inaan halkan ka cadeeyo,Axsaabta Siyaasada midna kama mid ahi,Boqol iyo Labaatan sanno ayaan u shaqaynayay Umadda,Waxaan jeclahay inaan Halkaasi joogo,Umadda halkaasi ayaanu Manfaco badan u leednay”.
Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa gabi ahaanba daadafeeyay ka mid ahaan shiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Iyadoo Baraha Bulshada lasoo galiyay Sawiro Muujinaya Munaasibad la isku arkay oo lagu soo dhaweeyay Sheekha oo taageero ahaan u riyaaqsanaa Xisbiga WADDANI,oo ay is dhinac taagan yihiin Musharaxa Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa shirkiisaasi Jaraa’id ku sheegay inaanu Waligii Xisbi siyaasi galin.
Su’aalo badan ayaa la iska waydiiyay Sababta Madaxtooyada lafteedu Sheekh Maxamed Cali Geedi magaciisa ugu lifaaqday Xisbiga WADDANI ee Warbaahinta ugu baahisay waliba,iyadoo aanay jirin arimo Siyaasadeed oo markaasi gacanta lagu hayay balse ay la waday Arimo khayri ah oo si guud u baahan in loo wada guto,waxaana markii dambe ay Madaxtooyaddu qoraal ku soo saartay raali galin ah u dirtay Sheekha oo laga raali galiyay arinta Magaciisa lala Xidhiidhiyay Xisbiga WADDANI.

Comments

comments