Somaliland: Madaxtooyada Somaliland Oo Muujisay Inay Khiyaamo Sharci Kula Kacday Qaranka & Bulshada Somaliland Iyo Hadalada Is-burinaya ee Ay Ka Tidhi Saamiga Itoobiya.

394

Shalay: “Haddii Qolo (Somaliland ama DP World) Saamigeeda Iibinayso, Ma Iibin Karto Dhawrka Sanadood ee Ugu Horeeya, Cid Saddexaadna Kuma Soo Biiri Karto”

Maanta: “Sherkadda Wayn ee DP World Way U Madax Banaantahay Inay Qayb Ka Mid Ah Saamigeeda Ka Iibiso Itoobiya Sidaas Darteeda 91% Ayay Ku Wareejisa”

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in dalka Itoobiya uu saami ku leeyahay maalgalinta lagu samaynayo dekedda Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Deyr oo faah-faahin ka bixiyey nuxurka heshiiskan iyo hanaanka ay Itoobiya u martay inay saami ka hesho dekedda Bebera ayaa sheegay inay sherkadda DP World ay Itoobiya ka iibisay qayb ka mid ah sheerka ama saamiga ay ku leedahay maalgalinta dekedda Berbera.

Afhayeenka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Boqolkiiba 19-ka ay dawladda Itoobiya leedahay maaha mid qaranka Somaliland ka go’aya oo boqolkiiba 35-kii aynu lahayn ayaa 16 inoo soo hadhayaa, DP World way u madax banaantahay inay sheerkeeda (saamigeeda) ay dawladda Itoobiya siiso ama ay ka iibiso, sidaas daraadeed sherkadda way nee DP World ayaa sheerkan oo boqokliiba 19 ah bixisay oo ay dawladda Itoobiya ku wareejisay taasina xaq bay u leedahay”.

Hase yeeshee wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa markii uu qabyo qoraalka heshiiskan u sharaxayay golaha wakiilada Somaliland iyo bulshada cadeeyey inaanay sherkadda DP World iyo Somaliland lafteedu aanay iibin Karin qayb ka mid ah saamigooda dhawrka sanadood ee ugu horeeya, mar uu arrinkaas ku nuux-nuuxsanayay ayaa waxa uu yidhi:

“inaggu cidda aynu wax wada leenahay waa DP World, sida heshiiska ku qoran mudada hore cidi kuma soo biiri karto, haddii qolo saamigeeda iibinaysana waxaa xaqqa iibka leh qolada kale, DP World cid aanay Somaliland ogolayn waxba kama iibin karto dhawrka sanadood ee uu horeeyana waxba ma iibin karto (saamigeeda)”.

Hadalka labada masuul ee ka wada tirsan madaxtooyada Somaliland ee mudada koobani u dhaxaysay ayaa muujinaya inay jireen waxyaabo badan oo la qarinayay ka hor intii aan heshiiska la anisixin, sidoo kalena hadalk wasiirka ee sheegayaa inaan cidinka sheerkeeda iibin Karin muddo dhawr sano ah ayaa ku dambaynaya been iyo waxba kama jiraan, maadaama iyadoon sannadba gaadhin ay sherkadda DP World samigeed qayb ka mid ah ka iibisay dawladda Itoobiya ee dariska ah.

Comments

comments