Somaliland: 5 Masuul Oo Ka Tirsan Xukuumadda Oo Madal Kaliyah Uga Wada Jawaabay Xirsi?

455

Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE Oo Aan U Kala Hadhin U Jawaabidda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa si adag u dhaliilay hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Masuuliyiintan oo kalaha, wasiirka warfaafinta Cismaan Saxardiid Caddaani, Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan. Agaasimaha maamulka ee Aydhiska Cabdikariin Xinif iyo Maxamuud Raage oo ka tirsan xisbiga KULMIYE .

Dhammaan masuuliyiintan ayaan u kala hadhin inay ka jawaaban hadalo iyo dhaliilo dhawaan ka soo yeedhay hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore u ahaa wasiirkii madaxtoyada ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Masuuliyiintan ayaa ay qaarkood sheegeen inuu Xirsi sheeganayo waxqabadkii xisbiga KULMIYE, sidoo kalena xubnahan badhkood ayaa sheegay in raggii shalay wasiirrada ahaa ay maanta ugu cabaad badan yihiin, iyagoo ujeeda in hogaamiyaha WADDANI aanu u adkaysan waayihiisa mucaaridnimada.

Marka la isku wado duubo in shan masuul oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay isku hawlaan islamraana wakhtig iyo lacag geliyaan u jawaabidda hal qof ayaa u muuqata inay muujinayso inay canaan badani ku dhacday masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda.

Comments

comments