Somaliland: “Waxaanan Gayiyin Ayuu Faysal Gayaa,Baad Ayuu Qaataa Oo Maalina Waxa Lagu Dirayaa Cirro,Maalina Halkan Ayaa La Soo Wadayaa,Oo Aroorta Dambena Muuse Ayuu Caayayaa..”.Cali Guray.

217

““Faysal Musharax Maaha,Oo Wuu Ogyahay Inaanay Madaxweyne Cidi U Dooranayn,Laba Goor Oo Horena Wuu Dhacay,Haddii Ay Maskaxdiisu Fayawdahay,Ninka Laba Goor Dhacay”. Cali Guray
“Warka Wasiirkuna Waxuu Ahaa Yac-Yacood Oo Muu Kala Caddayn,19% Meel Laga Keenay Garan Mayno,Inuu Jiro Heshiis Kale Oo Saddex Geesood Ah Oo Laynaga Qariyey Dee War Uma Hayno”.

Gudoomiye ku Xigeenkii saddexaad ee Hore ee Xisbiga UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa weerar Afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,Waxa uu ku Sifeeyay Shaqsi ay Xukuumaddu si khaldan u isticmaasho oo laaluush quute ah,Waxa uu shaaca ka qaaday inay Xukuumaddu dhawaan ay ku laaluushtay lacag gaadhaysa Afar boqol oo kun oo dollarka Maraykanka ah,waxaanu dhaqanka noocaas ah ku tilmaamay mid aanay la wadaagin Siyaasiyiinta Somaliland,Waxa kale oo uu ku Tilmaamay Faysal nin la adeegsado oo kolba qof lagu diro,dabadeedna marka dambe lagu abaal mariyo Lacag,taasi oo uu sheegay inay tahay talaabo fool xun oo aan haboonayn,Dhinaca kale Waxa uu ka hadlay Hadalkii Wasiirka Ganacsiga ka soo yeedhay ee uu sheegay in 19% Saamiga Dekeda Berbera ay leedahay Dawlada Itoobiya.
Muj Cali Guray ayaa sidan ka sheegay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Axmed Siciid oo ka hawlgala Magaaladda Bebera,Waxaan hadaladiisa ka mid ahaa sidan“Aniga iyo Faysal Miyaanu u siman nahay Xukuumadda,Saw ka taageersan ma ihi,ee Taageersan Xisbigooda iyo Musharaxooda,Afar Boqol oo kun oo Dollar ayay siiyeen Faysal,oo uu qaatay,Maalin Walbana Baad ayuu ka qaadaa Faysal,Waxan ay u wataana,Waxaasi ayuu…. Waxaan iga-suuragalayn,oo aan ka xishoonayo,Dadkuna iiga markhaati yahay,oo aanan gayin anigu ayuu Faysal Gayaa,Waar waa Cad Quudheed oo ma qaato anigu,Laakiin isagu maalina waxa lagu dirayaa Cirro,Maalina halkan ayaa la soo wadayaa,Aroorta Dambena Muuse ayuu caayayaa,Markaasaa loo yeedhayaa oo Woxogaa loo dhiibayaa,Laakiin anigu sidaasi ma ihi,Aniga Qawlkaygu waa Qawl,Balan Kaygu waa Balan,Wacad kaygu waa wacad”.
Waxa kale oo uu yidhi“Faysal Musharax maaha,oo wuu ogyahay inaanay Madaxweyne Cidi u dooranayn,laba goor oo horena wuu dhacay,haddii ay maskaxdiisu fayawdahay,Ninka laba goor dhacay,Mar saddexaad isagoo og inuu halkii kasii hoosaynayo,Ismuu soo sharaxeen, Xisbiga UCID layidhaahdaan maanta ayuu ugu dhawaaday Taariikhda intii uu jiray Inuu Xisbi Xaakim noqdo, Waxaan ugu jirayna way ahayd,Ninka Gacantiisa lagu dilay waxa weeyi Faysal Cali waraabe, Anigu waxba maan khasaarin,laakiin waxaan jeclaa inuu Xisbigaasi Taabo galo,Waanu la soo saarnay,Maanta waataas loo luluyo Cadka yar ee uu isagu iska Qaadanayo,ee uu Xisbigiisiina baabiiyay,Waliba dadka la hadlayee waliba cid wax ka sheegaya,Markaa anigu ninkaasi waxaan qoray (Sick) inuu Xannuunsanayo”.
Dhinaca Kalena Muj. Cali Gurey ayaa waxa uu ka hadlay dhawaaqan cusub ee kasoo yeedhay Wasiirka Ganacsiga Somaliland, kuna saabsan saamiga la sheegay in Itoobiya ku leedahay Dekedda Berbera, waxana uu yidhi”Waxa aynu ogeyn laba geesood, oo waxaynu ogeyn 65% [Boqolkiiba shan iyo Lixdan] inay leedahay Shirkadda DP-WORLD, halka 35% [Boqolkii-ba shan iyo soddona] Somaliland lahayd, 19% Boqolkii-ba sagaal iyo tobankan meel laga keenay garan mayno, cid laga gooyey garan mayno, inuu jiro heshiis kale oo saddex geesood ah oo laynaga qariyey dee war uma hayno … Warka Wasiirkuna waxuu ahaa yac-yacood oo muu kala caddayn…”.

Comments

comments