Somaliland: “Waxaan Leeyahay Xukuumadda,Ceebmaha Inaad Waxqaban Kari Weydaa Waxaase Ceeb Ah Inaad Kala Bakhayshid Cidii Wax Qaban Lah,,,Siyaasi Obsiiye

126

“Maalin Ayaa Waxa Iigu Yimid Farmasigayga Laba Oday,Ka Ugu Yari Waa Dhawr Iyo Todobaatan Jir,Qiso Xannuun Badan Ayay Iiga Sheekeeyeen,Ilmo Ayaa Igu Soo Istaagtay,Oo Qiiro Ayaan La Murugooday…..”

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) ayaa mar labaad usoo jeediyay Xukuumadda inay fursad kasiiso inuu ka qayb qaato xal u helida Mashaakilaadka Sixir bararka iyo Shaqo la’aanta dalka ka taagan,waxa kale oo uu ku baaqay innay maanta Somaliland marayso meel adag oo u baahan in wada jir lagaga gudbo,Waxa uu ka sheekeeyay Dhacdo Xannuun badan iyo Oday sideetan jir ah oo uga waramay xaalad Adag oo qabsatay oo ku kalifi gaadhay inuu dalka ka tahriibo kadib markii uu shaqo u waayay wiil uu dhalay oo uu silac kaga soo saaray Jaamacada,Waxaanu siyaasigan sidoo kale u soo jeediyay Dadka shacabka ahi inay Taageeraan in dastuurka lafuro oo Sharciga lagu daro in la helo Musharax Madax bannaan oo iskii isku soo taaga doorashada Madaxtinimada loogu tartamayo.
Siyaasi Cabdiqaadir oo warbaahinta la hadlay Shalay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Sidaynu ognahay Xukuumaddu way u taagwayday Sixir bararka,Inaan Wax u taagwaydaa Ceeb maaha, waxaase Ceeb ah inaad kala bakhayshid cidii wax qaban lahayd,ee waxan badali lahayd,Markaa Waxaan Xukuumadda u soo jeedinayaa haddaad Waxba ka qaban kari waydo Sixir bararka,Qabyaaladii,Shaqo la’aantii iyo Musuqii,ee halkan ina joojiyay ee Aduunkii inaga reebay,Ceeb maaha adigu itaalkaagii waad qabatay,Waxaan idin leeyahya haku bakhaylina eh jaaniska nasiiya,Hadaanay taladu idiin muuqan idinka Dad kale ayay u muuqataa,Waayo Talada cida dibada kajoogta ayaa aragta,Bini Aadamku isku wada caqli maaha,isku wada aqoon maaha oo iskuu wada maskax maaha,Shantaasi farood waxa Alle u simi waayay Xigmad ayaa kujirta,Dadkuna sidaasi uun weeyaan oo sidaasi ayay u kala duwan yihiin oo qof walba Meel ayay maskadiisa iyo Garashadiisu taagan tahay”.
Waxa kale oo uu yidhi“Anigu waxaan ku talin lahaa,Maaha maalintii la isku eegi lahaa,Marxaladan wadanku taagan yahay maalintii la eega kari lahaa maaha,Cid kasta oo dhiig ku jiraa waa ka damqanaysaa arintan,Anagana damqasho badan ayaa dalka naga haysa,markaa Duruufaha ka jiraa maaha runtii mid aanu u dul qaadanayno,Hal dabaqad ayaa dalkii ku soo ururay,Dabaqadii hoose iyo Dabaqadii dhexe waa kabaxeen dalka,Waana waxyabaaha inoogu wacan Sixir bararka,Markaa anigu waxaan ku talin lahaa Xukuumadda iyo Goleyaashuba inay bixiyaan Jaaniska,shacabkuna ay ogaadaan inay iyaga codkooda ku xidhan tahay Sharcigu,hadii maanta shan kun oo qof Codkooda yidhaahdaan, halagu daro Dastuurka Musharax Madax banaan,wuu soconayaa, Markaa Shacabkeenu su’aalaha aana isweydiiyo waxaa ka mid ah shacabkeenu shacabka aduunyada miyaanu ka mid ahayn”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Qisooyinka Wadanka gudihiisa ka dhacaya hadaan mid ka mid ah idiin soo qaado,Waxa iigu yimid Farmasigayga anigoo fadhiya laba oday,ka ugu yari waa Dhawr iyo Todobaatan jir midna waa Sideetan jir,Yacni Qiso xannuun badan yaya iiga sheekeeyeen,oo ay aniga ilmo iskukay soo taagtay,oo qiiradayda iyo dareenkayga xoog u kicisay,Waxay igu yidhaahdeen Madaxweyne Inbadan ayaanu ku soo raadinaynay,Barnaamij aad leedahay ayaanu daawanay,waxaanu kuu sidnaa Duco,Wadankan waanu ka niyad jabnay,Waanu ka mooraal jabnay, Ninkaygaa Dhawr iyo Todobaatan jirka ahi waxaan ku sigtay inaan tahriibo,Wuxuu yidhi Inan ayaan lahaa,Inankii waxaan kula soo tabcay Jaamacada,Sidaan kolba qof ugu soo shaxaadayay ayaan ka soo saaray Jamacadii,Inankii laba sanadood ayuu Bilaa camal yahay,Makhaaxidii ama aniga oo fadhiya ayuu iigu imanayaa ama anigoo fadhiya,dabadeedna anigii ayaa Niyadbay Markaasaan is idhi adigu ma tahriibtaa,ninkaasi Todobaatan jirka ahi ma tahriibtaa,Runtii anigu waan qiirooday,oo ilmo ayaa isku kaysoo taagtay”.

Comments

comments