Somaliland: Dabley Hubaysan Oo Ku Diley Deegaanka Kalshaale Nin Kasoo Jeeda Buuhoodle + Xiisad Deegaanadaasi Ka Taagan

175

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in dabley hubaysan ay shalay galinkii danbe nin ku dileen deegaanka Kalshaale ee degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

Ninkan ay dableydu dishay ayaa naloo sheegay inuu kasoo jeeday Buuhoodle isla markaana lagu magacaabi jirey marxuunka Cabdilaahi Muuse Jirde,waxaana naloo sheegay in dableydii dilka gaysatay ay ka baxsadeen goobtii,waxaana ilaa hadda aan la garanayn sababta ay dableydani u dishay ninka.

Deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud u dhaxaysa ayaa naloo sheegay in xiisadu kacsan tahay,iyaga oo horena ay deegaanadaasi uga dhacday xiisad colaadeed,waxaana laga cabsi qabaa in ay dib usoo noqoto xiisadii colaadeed ee deegaanadaasi ka taagnayd.

Gabgabadiina Ciidamada Booliska Togdheer iyo ciidamada Qaranka ayaa naloo sheegay inay ku baxeen soo qabashada dableydaa dilka gaysatay.

 

Comments

comments