Somalia: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlay Xubno Lagu Darayo Barlamaanka Puntland

141

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horraysay ka hadlay warar maalmahan la isla dhexmarayay oo la xiriiray in la siyaadinayo tiradda gollaha wakiiladda dowladda Puntland, isagoo sheegay inuu warqad qoraal u gudbiyay  gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Madaxweynaha oo xalay la hadlayay jaaliyadda reer Puntland ee London, Wuxuu u sheegay inuu ka codsaday inuu furo barlamaanka Puntland si qabaa’ilka ka maqan  barlamaanka Puntland  ay ugu yeeshaan xubno matala

“ barlamaanka Puntland ee 66-da ah 50% dadku waa ka maqan yihiin, qabiilada qaar waa ku jiraan qaarna waa ka maqan yihiin, Maxaa mid ugu jiraa midna ugu jiri waayay?, Maxaa markii hore lagu saleeyay? Ayuu yiri madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha wuxuu xusay inaysan xaq ahayn in barlamaanka Puntland uu ahaado sidii lagu asaasay 19 sanno ka hor, wuxuu ballanqaaday in qabaa’ilada ka maqan uu xuquuqdooda u raadin doono.

Gabagabadii, Madaxweynuhu kama uusan hadlin tiradda xubnaha lagu kordhin doono barlamaanka iyo tirade qabaa’ilka aanu ku lahayn cid ku matasha, waxaa kaloo uusan madaxweynuhu ka hadlin in dib loo furi doono dastuurka iyo inkale taasi oo sal u noqon doonto in xubno cusub lagu daro barlamaanka Puntland.

Comments

comments