Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Cunaqbateynta Hubka Laga Qaado Somaliya

203

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in dawladiisu ay ka adkaado Al-Shabaab, isagoo xusay in ciidamada ammaanka iyo Al-Shabaab ay labada dhinac ku wada dagaalamayaan hub isku mid ah, gaar ahaan qoriga AK47.

Waxaa uu sheegay in dawladiisu y baahan tahay in ay hesho hub ka tayo wanaagsan kan Al-Shabaab, ciidamada ammaankana ay helaan hub casri ah, waxaana uu soo jeediyay in laga qaado Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

Farmaajo ayaa sheegay in sanadkii 2013 cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la qaaday qeyb ka mid ah, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in la helo hub casri ah, si looga adkaado Al-Shabaab.

Comments

comments