Somaliland: “Shaqadaydaa Ah, Anigoo Xagga Dambe Fadhiya Inaan Ka Qayb-qaato Hawlaha Istaraatiijiga Ah, Haddaad Mus-dambeed Ku Sheegto Iyo Haddaad..” Buubaa

195

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Sababaha uu u maleynayo inay keeneen Sicir-bararka Lacagta Dollarka iyo qiimo dhaca Shilinka Somalilad.

Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa kale oo uu markii ugu horeysay ka hadlay tuhunnada ku xidhiidhaya inuu ka mid yahay Mus-dambeedka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu sheegay inuu ka mid yahay Siyaasiyiinta ay ka shidaal qaataan Hoggaamiyeyaasha Xisbigaasi.

Buubaa oo u warramay Telefiishanka Bulsho, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Sicir-bararka Lacagta Dollarka iyo qiimo-dhaca Shilinka Somaliland wuxuu yidhi “Anigu waxaan u haystaa in Sicir-bararka Xadhkaha goostay ay Dawladdu Masuul ka tahay, oo Waraaqo ay Kaladh ku soo sameeyeen oo ay yidhaahdeen waa Lacag, oo aan lahayn wax Dammaanad ah ayaa Dawladdu daabacaysaa, oo suuqa lagu soo daayey, lacagtaana Toddobaad kastana waa lagu soo daayey Suuqa. Baanka dhexe oo ahayd inuu noqdo Bangi u Madax-bannaan Siyaasadda (Lacagta ayaan Madax-bannaanayn). Lacagta iyo Sarrifka Lacagaha waxa ku shuqul leh inuu Gacanta ku qabto Baanka, laakiin waxaad mooddaa inaanu isagu Gacanta ku haynin, ee Wasaaradda Dhaqaaluhu (Maaliyaddu) ku Takri-falayso, iyadaana soo daabacaysa Shilinka Somaliland, iyadoon eegayn dhibaatada uu Shilinkaa suuqa lagu soo deynayaa gaadhsiinayo Shilinka iyo siduu u qiimo-tirayo. Waxay ila tahay haddii Dawladdu sidaa wax u sii waddo inay ka sii dari doonto (Sicir-bararku).”

Ismaaciil Hurre Buubaa oo la waydiiyey inuu ka mid yahay Mus-dambeedka Xisbiga WADDANI iyo in kale, ayaa ku jawaabay “Anigu waxaan ku jiraa Golaha dhexe ee Xisbiga (WADDANI), Shaqada Golaha dhexe-na waa inuu ka dejiyo Hawlaha Istaraatiijiga ah ee guud, qaybta fulintana u dhaafo sidii arrintaa loo meel-marin lahaa, markaa in wixii la qoondaynayo inaan aad iyo aad ugu dhex jiro Shaqadaydaaba ah, Aniguna sideedaba waxaan ahay Dadka (aaminsan) in Habka Dawladnimo ay tahay in Shaqada loo kala dambeeyo, oo Dadka shaqada leh aan uga dambeeyo oo aanan hor ordin, markaa haddaad Mus-dambeed ku sheegto iyo haddaad wax kale ku sheegtaba Aniga shaqada la ii igmaday ayaa ah, Anigoo xagga dambe fadhiya inaanka qayb-qaato Shaqadu waxay noqonayso iyo sida ugu habboon ee arrinta loo geli karo.”

Comments

comments