Somaliland: Maayirka Hargeysa Oo Bulshada U Gudbiyey Farriin Lid Ku Ah Muwaadiniinta Ku Xoogsada Basaska Ka Dhex Shaqeeya Caasimadda

302

Maamulka Gobolka Maroodi-jeex iyo Maayarka Hargeysa, ayaa waxaan loo dul-qaadin karin ku tilmaamay Shaqo-joojinta ay Basaska Iskaga Goosha Xaafadaha Hargeysa qaarkood sameeyeen doraad illaa Shalay.

Basaska Iskaga goosha Suuqa Dhexe ee Hargeysa iyo Xaafadaha Xero-Awr, Idaacadda iyo Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa, ayaa sameeyay Shaqo-joojin, ka dib markii Maamulka Caasimaddu uu doraad diiday inay Shan Boqol oo shilin ku kordhiyaan qiimihii ay Dadka ku qaadi jireen oo ahaa 1500 oo shilinka Somaliland ah, laakiin Kulan Degd-deg ah oo Shalay Maayarka iyo Badhasaabka Maroodi-jeex la yeesheen Guddiga Iskaashada Basaska ee Hargeysa, ayaa waxay ku gaadheen heshiis ah inaan qiimaha Basaska lagu raaco la dhaafin intii hore, waxayna Maamulka Caasimadda iyo Gobolku sheegeen in Ciqaab la marin doono Baska fulin waaya Go’aamadaasi.

Cabdirixiin Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Iskaashada Basaska ee Hargeysa (City Bus) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Shacabka ka raali-gelinayaan Shaqo-joojintii ay sameeyeen Basaska u kala baxa Xaafadaha Caasimadda qaarkood.

“Khilaafkii ka dhacay Labada Istaan ee (Idaacadda iyo Xero-awr), si khaldan ayuu u dhacay waanuna dhamaynay, berrina (Maanta) waxa lagu shaqeyn doonaan kun iyo Shantii boqol, sidii aanu hore u sheegnay, Arrintana Caado nooma ahayn (Shaqo-joojinta)..” ayuu yidhi.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo isaguna kulankaasi markii uu dhamaaday halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Shacabkeenna oo ay dhibaato badani haysato, Hagar-daamadii ku dhacday waxay ahayd waxaan loo dul-qaadan karin (Basaska shaqo-joojinta sameeyay), inay dib u dhacdana aqbali mayno. Intiinu waxaad tihiin Masuuliyiintii, inta idinka maqanna waxaan leeyahay Kun iyo Shantii boqol-baa lagu wada shaqeynayaa, haddii wax la kordhinayo ama la dhimayo waxay ahayd in inta ay khuseysaa ay isku timaaddo, laakiin Istaammada gaadhay Go’aankaasi waxay gaadheen Go’aan khalad ah, Cid kastana Tallaabadeedii waa laga qaadayey oo Imikaba Dad baa u xidh-xidhan. Shacabka waxaan leeyahay Baska idin yidhaahda (1500 idinkuna qaadayo) idinkoon la murmin waxaad u sheegaysaan uun Saldhigga Booliiska ee kuugu dhow, waxay noqon doontaa inuu Ciqaab muteysto, oo aanu istaan dambe aanu ka shaqeynin.”

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Buraale, ayaa isaguna sheegay “Waxaanu idiin sheegaynaa in Kun iyo Shantii boqol lagu shaqeyn doono, oo Arrintu sideedii hore ahaan doonto.”ayuu yidhi.

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa isaguna yidhi “Maayarka, Golaha deegaanka iyo Xukuumadda dhexeba waxay iskugu tagayaan in tallaabo Cad laga qaado Ciddii damacda Maanta inay khilaaf iyo khalkhal-geliso Caasimadda..”

Wadeyaasha iyo Mulkiileyaasha Basaska  Shaqo-joojinta sameeyay, ayaa ku doodaya in Sababta ay qiimaha Baska ugu dareen Shanta boqol ee Shilin tahay qiimaha Shidaalka oo lagu kordhiyey, sidaa darteed waxaan la hubin inuu dhaqan-geli doono Go’aanka Dawladda Hoose iyo Maamulka Basasleyaashu Shalay wada gaadheen, kaasi oo Maayarku sheegay in Ciddii ku dhaqmi wayda la ciqaabi doono.

Comments

comments