Somaliland: “Innagu Madaxwayne Ayaynu Dooranay Oo Aniga Oo UDUB Ahaa Ayaa U Codeeyey, (Hadana) Afar Inan Oo Aynaan Dooran Ayaa Dalkii Ka Talinaya” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

150

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay In Hanaankii Dawliga Ahaa Lagu Tuntay

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan golaha wakiilada sidoo kalena ah guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI ayaa dhaliilihii ugu adkaa ujeediyey xukuumadda KULMIYE.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay inay Somaliland marayso halkii ugu xumayd ee abid gaadho, waxaana uu sidoo kale sheegay in taladii dalku ka baxday gacantii Madaxwaynaha.

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI oo hadal ka jeediyey xafladda furitaanka xafiiska xisbiga ee degmada 26 June ayaa ballanqaaday inuu xisbiga WADDANI taladii dalka majaraheedii ku soo celin doono, isla markaana uu sixi doono nidaamka dawliga ah iyo kala dambaynta isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dalka afar inan baa ka taliya oo aynaan dooran inagu, inagu Madaxwayne ayaynu dooranay oo aynu saf u galnay oo aynu cod ugu ridnay oo aan anigoo Udub ah u codeeyey, rag aynaan dooran oo aynaan la xisaabtami karin oo aynaan waxba waydiin karin ayaa dalkii ka taliya, waxaanu doonaynaa inaany sii socon, in dalkan majarihiisii lagu soo celiyo, in umadda mustaqbalkeedii la soo celiyo, maanta Somaliland halkii ugu xumayd ayay maraysaa waligeed halkaas may gaadhin”

Comments

comments