Somaliland: Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Saaka Gudaha Hargeysa Ka Bilaabay Hawl Gallo Cusub + Noocay,,,

471

Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland “Immegration” ayaa saaka hal mar uun la arkay iyaga oo suuqyada Caasimada Hargeysa ka bilaabay hawl gallo adag oo ay ku qabqabanayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darrada ah kusoo gala Somaliland.

Ciidamadan ayaa waxay saaka qab-qabanayeen isla markaana ay raafayaan dadka ajaanibka ah ee aan haysan warqadii ogolaanshaha dal kusoo galka,iyaga oo ciidamadana ay wataan gaadiid dhawr ah oo ay ku gurayaan dadka,waxaana ka badbaadayey saaka oo kaliya qofka ajaanibka ah ee warqadiisa gacanta  ku haysta.

Dadkan ay ciidamadu saaka raafayeen ee ay qabqabanayeen ayaa waxa kamid ah dadka dhalasho ahaan kasoo jeeda dalalka Masar iyo Yamen iyo waliba Qoomiyada Oromada oo u badnaa dadka saaka la qabqabanayey kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyey si aada ugu soo badanayey dalka.

Wararka naga soo gaadhaya  magaalooyinka Burco iyo Berbera ayaa waxay sheegayana in iyagana maalmaha soo socdaa laga bilaabayo raafka iyo qabqabashada dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darada ah kusoo gala dalka iyaga oo aan haysan warqadii ogolaanshaha dal ku galka.

Hawlgalladan ay saaka ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland bilaabeen ayaa waxa aad usoo dhaweeyey bulshada caasimada Hargeysa iyaga oo ciidamadana ku bogaadiyey shaqada ay qaranka u hayaan.

 

Comments

comments