Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo La Filayo Inay Ka Noqoto Go,ank Xuska 18 May

264

Waxaa hada madaxtooyada Somaliland looga yeedhay warbaahinta kala duwan ee dalka , si ay u tabiyaan war ay madaxtooyadu soo saareyso .

Warkan hada loogu yeedhay saxaafada Ayaan wali si rasmi ah u cadeyn nooca uu yahay balse shabakada Wargane waxaa loo xaqiijiyey in la filaayo in madaxtooyadu ay ka hadasho munaasibada xuska 18 May oo dhawaan xukuumadu ku dhawaaqdey in gabi ahaanba la joojiyey abaaraha dalka ka jira awgeed.

Balse Xukuumad ayaa waxa laga filaya inay ka laabato go,an kadii hore Ee Ah In La Joojiyow Xuska Maalinta Qaranimada 18 May Waxa Ay U Badantahay inay xukuumadu ku dhawaaqi doonto Goor Dhaw

Sidoo kale xogahan ayaa sheegaya in la filaayo in xukuumadu mar kale ku dhawaaqdo go,aan labaad oo sheegaya in la xusi doono xuska maalinta 18 May ee sannadka balse wali si cad looma oga wax yaabaha lagaga hadli doono shirka Jaara’id oo goor dhaw lagu qaban doono madaxtooyada .

Comments

comments