War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Maanta Ka Baxayah Qasriga Madaxtooyada Iyo Dhanka U Ku Socdo

497

Warar aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo la filayo inay safar ugu baxaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waftigan madaxwaynuhu hogaaminayo ayaa ujeedada socdaalkooda la shaacin balse xogo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynuhu uu u tagayo sidii uu Berbera ugu so dhawayn lahaa kulamona ula qaadan lahaa wafti balaadhan oo ka socda Shirkada Dp World oo la filayo inay maalinka Khamiista dalka yimaadaan  kuwaas oo u socda hawlo la xidhiidha arrimaha Dekeda Berbera,sidoo kalena madaxwayne Siilaanyo ayaa inta uu Berbera joogo waxa uu kormeeri doonaa goobaha ay ka socoto qaybinta Kaadhadhka codbixinta ee gudaha magaalada Berbera.

Xogahan ayaa noo sheegay in madaxwaynuhu markii hore islahaa maanta oo Saalasa ah u bax Berbera balse uu baaqday lana filayo inuu maalinka barri ah safar ugu baxo magaalada Berbera.

Comments

comments