Xildhibaan Saleeban Cawad Cali Bukhaari ayaa waxaa uu u sheegay in uu u sharaxan yahay mid ka mid ah kuraasta shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland marka uu Cabdiraxmaan Ciro iska casilo xilka gudoomiyaha golaha wakiilada

Xildhibaankan ayaa waxaa uu shaaciyey in kursiga uu u sharaxan yahay uu yahay gudomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada

“Waxaan halkan ka cadeynayaa aniga oo ah xildhibaan Bukhaari in aan ahay musharax u taaganahay  xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada marka uu Gudoomiye Ciro isla casilo kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada , waxaana aan rumeysanahay in aan taageero u heli doono rabitaankeyga ” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari .

Comments

comments