Somaliland: Wasiiradii Gobolka Awdal Oo Kaadhadhkoodii Codbixinta Ay Galaafatay Laba Jeer Qaadasho Ay Sameeyeen Wakhtigii Ay Isdiwaangalinayeen Iyo Magacyada Wasiirada

179
Somaliland: Expedite The Recently-innovated Somaliland Curriculum, MoE Urges Privately Owned Schools

Xog rasmi ah oo wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaysa in wasiiradii gobolka Awdal ee xukuumadda madaxwayne Siilaanyo aanay ilaa wakhtigan qaadan Kaadhadhkoodii codbixinta Doorashada,masuuliyiintani ay sababta ay u qaadan waayeen ayaa la sheegay inay tahay wakhtigii diiwaangalinta codbixiyayaashu socotay ay Laba Laba jeer qateen kaadhadhkoodii Codbixinta sidaa daraadeedna ay kaadhadhkoodii Codbixinta ka gubteen madaama oo uu sharciga Komishanku dhigayo in qofkii Laba jeer is diwaangaliya aanau helayn Kaadhkii uu ku codayn lahaa isla markaana uu  Kaadhku ka gubanayo.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane,wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige,wasiirka Xidhiidhka golayaasha Qaranka Cali Xaamud Jibriil,wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiiye,Maayarka Borama Maydhane,iyo wasiir ku xigeeno ayaa la sheegay in dhamaantood kaadhadhkoodii Codbixintu gubteen oo lagu daray Liiska dadka laba jeer isdiwaangaliyey wakhtigii ay socotay diiwaangalintu,waxaana la sheegay in masuuliyiintani ay kamid yihiin dadkii Seerfarku kala Shaandheeyey ee kamidka dadka labada jeer kaadhka qaatay ee uu reebay.

Wasiiradan ayaa markii ay waayeen Kaadhadhkoodii  ayaa waxay magaalada Borama ka bilaabeen dagaal qaawan oo ay ku qaadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo ardaydii Jaamacadda Camuud ee sanadkii hore dadka diiwaangalisay iyaga oo faafiyey warar aan xaqiiqadooda la hubin,waxaana ay wasiiradani magaalada galiyeen in la xaday qaar kamid ah kaadhadhkii dadwaynaha isla markaana ay ardayda jaamacadda Camuud sameeyeen Musuqmaasuq,balse waxa iska cad in markii ay masuuliyiintani waayeen Kaadhadhkoodii ay ku codayn lahaayeen ee uu reebay Mashiinka Kala sifaynta dadka laba jeer is diwaangaliyey in Warbaahinta ay lasoo fadhiisteen warar Khalkhal galinaya diiwaangalinta.

Dhanka kalena gudoomiyaha jaamacadda Camuud ayaa Hargeysa u yimi eedo uu wasiirka Waxbarashada Somaliland ka fidiyey jaamacadda Camuud,waxaana gudoomiyaha iyo qaar kamid ah hormuudka jaamacaddaas oo la socday ay dacwad ka gudbiyeen wasiirka Waxbarashada oo ay ku eedeeyeen sida ay wararku nagu soo gaadheen in sharaftii Jaamacadda uu  meel kaga dhacay.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ah masuulka kaliya ee soo qaatay Kaadhkiisa codbixinta.

 

Comments

comments