Wasiirka ka mid ah golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqe in aanu doorashada dhawaan ka dhici doonta Somaliland aanu codeyn Doonin

Wasiirkan oo ah wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa waxaa uu sabab uga dhigay in uu codeyn waayo ka dib isaga oo aan qaadan kaadhkii cod bixinta doorashooynka Somaliland isla markaana aanu haysanin kaadhkii uu ku codeyn lahaa

” Anigu markii la isdiwaangalinayey maan joogin oo dibada Ayaan ku maqanaa , wasiirna maan aheyn , mana codeyn karo ” ayuu yidhi wasiirku

Sidoo kale wasiirkan ayaa waxaa uu beeniyey warar uu qoray mid ka mid ah wargeys-da Hargeysa ka soo baxa kaas oo sheegay in wasiirkan uu gubtey kaadhkiisii cod bixintu ka dib markii uu laba jeer qaatey kaadhka

 

Comments

comments