Somaliland: Khilaaf U Dhexeeya Wasaaradda Biyaha Iyo Maayirka Berbera Iyo Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Oo Diiday Inuu Xilka Wareejiyo

153

Khilaaf ku salaysan dhinaca maamulka iyo awoodda ayaa ka dhex qarxay maayirka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Cidin iyo wasaaradda khayraadka biyaha.

Khilaafka ayaa salka ku haya magacaabidda maareeyaha cusub ee wakaaladda biyaha iyo xil ka qaadista maareeyihii hore oo muddo ku siman afar bilood ka hor laga qaaday xilkaas.

Maareeyihii hore ee wakaaladda biyaha Berbera ayaa ku gacan saydhay inuu wareejiyo xilka, kadib markii uu guddoomiyaha gobolka Saaxil ku wargeliyey, hase yeeshee maareeyihii hore ayaa sheegay inuu ku magacaaban yahay digreeto gole deegaan ee aanu ku magacawnayn digreetada wasaaradda biyaha, sidaasi daraadeedna aanu xilka wareejinayn..

Intaas kadib waxaa xafiiska maareeyaha wakaaladda Biyaha oo ay ku sugnaaneeyeen maareeyihii hore, badhasaabka gobolka iyo taliyaha qaybtu soo gaadhay Cabdishakuur Maxamed Cidin waxaanu taliyaha iyo badhasaabkii ku amray inay xafiiska ka baxaan isagoo taageero u muujiyey maareyihii xilka laga qaaday ee wakaaladda biyaha Berbera.

Khiaafka u dhexeeya labadan hay’adood ayaa in muddo ah soo jiitamayay, bacdamaa uu maayiir Cidin isticmaalayo awood dheeri ahna way adagtahay inay is afgarad ka gaadhaan ama ugu yaraan sharciga lagu kala baxo.

Comments

comments