Somaliland: Halkan Ka Akhriso Qaar Kamid Ah Ciidamadii Maamulka Puntland Ee Buuraha Galgala Lagu Laayey Oo Hargeysa Lagu Daweeeyey

355

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in dhawaan magaalada Hargeysa la keenay qaar kamid ah dhaawacyada askartii Ciidamada Maamulka Puntland ay ka dhawaaceen maleeshiyada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Gal-gala.

Askartan Dhaawaca oo lagu daweeyey qaar kamid ah cusbitaalka magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in raggaasi ay keeneen eheladii dadkaasi oo sheegay in maamulka Puntland ee ay u dagaalamayeen ay daawayn waayeen askartan u dagaalamaysay taasina ay ku kaliftay iyaga oo dad shicib ah in Hargeysa ay ku dawaystaan.

Raggan la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada maamulka Puntland ayaa xoguhu noo sheegeen in ay asal ahaan kasoo jeeda Bariga Sanaag ee Somaliland,balse waxay ka tirsanaan jireen ciidamada Maamulka Puntland,waxaana raggan dhaawacyadooda lagu daweeyey cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Maamulka Puntland ayaa dhaqaale la’aan lasoo daristay  taas oo ay keentay in ciidamadeedii iyo shaqaalaheedii ay tahli kari waydo inay siiso  mushaharaadkoodii.

 

Comments

comments