Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde ayaa waxaa uu sheegay in dalka ay ka taliyaan afar inan oo aan loo dooranin isla markaana aan lalal xisaabtami Karin .

Sidoo kale xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay maanta mareyso halkii ugu xumeyd .

” Dalka afar inan oo eynaan u dooranin ayaa ka taliya , inagu madaxweyne ayeynu dooraney oo saf u galnay oo aynu cod ugu ridnay oo aniga oo UDUB ah u codeeyey , rag eynaan dooranin oo eynaan waxba weydiin Karin ayaa maanta dalkii ka taliya waxaana aanu dooneynaa in aanay taasi sii soconin

Comments

comments