Somalia: Lix Ruux Oo Maanta Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay MUQDISHO

152

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay agagaarka Makhaayad ku taalla magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ammaanku.

Qaraxan ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Baar Italiano oo ku taalla waddada Maka Al Mukarramah oo ah Waddada Wadnaha Caasimadda ee Madaxtooyada hor-marta.

Ma cadda wali in gaadhiga qarxay uu waddada marayay ama la dhigay agagaarka makhaayadda.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse kooxda Al-shabaab ayaa weerarada noocan ah ka fulisa magaalaada Muqdisho.

Bishii February ayay kooxdu ku hanjabtay inay sare u qaadi doonto weerarada ka dhanka ah dowladda Madaxweyne Farmaajo

Comments

comments