Brack Obama Oo La Guddoonsiiyey Shahaadada Geesinimada Siyaasadda

83

Madaxweynahii hore ee Wadanka Maraykanka Brack Hussein Obama ayaa mar kale saaxadda ka soo muuqday ka dib marka uu abaalmarinta geesinimada siyaasadda ee caalamiga ah ka gudoomay Qoyska reer Kennedy ee Dalka Maraykanka, habeenimadii Axadda ee la soo dhaafay.

Brack Obama ayaa loo gartay inuu shahaadadan xaq u leeyahay iyadoo Madaxweynayaal hore oo Maraykan ahi sidan oo kale ugu guulaysteen abaalmarintan.

Helitaanka Obama ee abalmarinta waxaa la qaatay go’aankeeda markii isagoo ka tegay xafiiska Madaxweynanimada ay hadana Congress-ka u badan Xisbiga kale ee Jamhuurigu ay difaaceen qorshihiisii i xanaanada daryeelka caafimaadka ee Obama Care, qorsahahan oo uu damcay inuu meesha ka saaro madaxweyne Trump laakiin ay Congress-ku ka diideen.

Comments

comments