War-Deg-Deg ah: Qarax ka dhacay Muqdishu

162

Gaari miineysan ayaa ku Qarxay meel u dhow xaruunta Immigration-ka iyo EX- Shanemo Soomaali ee magaalladda Muqdishu, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Ugu yaraan laba ruux ayaa la sheegay in ay ku geeryoodeen Qaraxa halka tira kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka uu khasaaraha kasoo gaaray Qaraxa ayaa la sheegay in ay u badanyihiin dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Garaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu ku jiray “Parking”, sida dad ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Italian Coffee ay u sheegeen Hiiraan Online.

Wadda Maka Al Mukarama oo ah halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah waddada ugu mashquulka badan ee dhex marta magaalladda Muqdishu.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ilaa iyo hadda.

Dhinaca kale xalay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalladda Muqdisho waxaa ka dhacay qarax, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida gaarigiisa looga xiray Qarax.

Sarkaalka gaarigiisa Qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray, waxaana hadda lagu dabiibayaal mid ka mid ah isbitaaladda ku yaalla Magaalladda Muqdishu.

Comments

comments