Somaliland: “Shaqo Ninkii Bilaabay Uunbaa Iska Leh, Xirsi Wax Badan Oo Aan Maanta La Qaban Karayn Ayuu Qabtay Wadada Ceerigaabo-na”

263

Maareeyihii Hay’adda Wadooyinka ee Xilka Laga Qaaday Oo Isbar-bardhig ku sameeyey Xirsi iyo Cali Mareexaan

Maareeyihii hore ee hay’adda wadooyinka Xasan Cali Cismaan ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha xilka qaadistiisa, dhismaha wadada Ceerigaabo iyo cidda yeelan doonta libinta dhismaha wadada ugu dheer dalka ee Ceerigaabo.

Xasan Cali Cismaan oo shalay xilka laga qaaday ayaa ugu horayn xilka qaadistiisa ku macneeyey mid siyaasadaysan oo ay ku lamaan yihiin dano siyaasadeed hase yeeshee geesta kale waxa uu xusay inuu u baahna cid ka khafiifisa culayska masuuliyadda oo uu in badan hayay waa sida uu hadalka u dhigaye. isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wallahi dannigu ma fiicna ciddii ka soo shaqaysay (xilka qaadistaydu) dano siyaasadeed ayay ka lahaayeen laakiin anigu waxaan u arkaa inay ii daneeyeen oo go’aan aan gaadhi waayay ay ii gaadheen”

Maareyihii hore ee hay’adda wadooyinka oo waraysi siiyey shabakadda Hadhwanaagnews ayaa geesta kale sheegay in dhismaha wadada Ceerigaabo looga mahadnaqi karo ciddii bilawday ee ku dhiiratay, waxaana uu hogaamiyaha Xisbiga WADDANI u majeertay taariikhda calool adayga leh ee uu sameeyey, sidoo kalena waxa uu hoos u dhigay waxqabadka wasiirka hadda jooga ee Cali Mareexaan, isagoo arrinkaas ka hadlayana waa uu yidhi:

“Shaqo ninkii bilaabay ee ku hamiyey ayaa iska leh, Xirsi shaqo farabadan oo aan maanta la qaban karayn ayuu qabtay, Cali Mareexaan-na shaqo socota ayuu dusha kaga yimi, shaqadii socotayna halkeedii ayuu ka qaaday, shaqo socotay in la dardargeliyo way fududahay laakiin in la bilaabo way adagtahay markaa Xirsi culayskii ayuu ku beegmay Cali-na iyadoo isku duba dhacsan ayuu yimi halkiibaanu ka bilaabay”.

Comments

comments