Somaliland: Hiirdanka Iyo Loolanka Siyaasadad Ee Gobolka Awdal Oo Meel Adag Maraysa + Saylici Oo Af Qalalan Ku Daawanayah

186

Siyaasiyiinta gobolka AWDAL ee ka soo kala jeeda Muxaafidka Iyo Mucaaradka ayaa ku hirdamaya midkii ku adkaan lahaa codka shacabka awdal isagoo mid waliba dhegaha shacabka ku culaya barnaamij siyaasadeed lagu soo dhabar taabtay oo xulufoba dhankeeda u aragto in ay wax kaga badelayaan awdal ay iyagu wadaan.

Kooxahan kala mabda ah ayaa ah xulufo uu hogaamiynayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo raba inuu marlabaad ku soo laabto qasriga madaxtooyada Somaliland oo kaa shanaya xuno uu u arko inay ka samatabixin karaan duufaanada siyaasadeed ee mucaaradku ku xod-xodanayo bulshada awal inay udhaamidoonan xukuumadda xubnahan oo ay ka mid yihiin wasiir cali xaamud, wasiir cabdilaahi dheere, wasiir shaaratoo, wasiir abrar, sharmaake geele, wasiir mixile boqore, iyo siyaasi axmed muumin seed oo dhamaantood ah xulufo hubka meel kaliya uwada ridaysa.

Halka xulufada mucaaradka ahna uu hogaaminayo Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga WADDANI Dr, Maxamed Aw Cali oo isagu salaanka siyaasada ku cusub balse ay garbihiisa ka ciyaarayaan shaqsiyaad kaga dubaalad dheer gobolka awdal oo iyagu miciin bidaya inay tashuush ku furan dhegaha shacabka ee dhawaaqooda lagaga soo horeeyey. Xubnaha uu wato dr, Maxamedka WADDANI ayaa kala ah cabdirashiid xasan mataan, xasan codyare, tubeec,

Waxaanay olale aan waxba layskula hadhin laysku baacsanayaa gobolka awdal iyagoo shacabka gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaan xudunta boorama ay usacabo tumayaan jibada siyaasiyiinta kala mawqifka ah ee midba dhankiisa luuqda jibaysan uu la dhex tamashlaynayo bulsho diiradda ku haysa midka ka shooda biyeyn kara.

Waxaana xulufo waliba dhankeeda kulamo kaambayn ubadan la yeelanaysaa madax-dhaqameedka beelweynta SAMAROON iyo bulshada awdal qaybaheeda kala duwan kuwaas oo badankooda ku helin najiito ay ku qancaan waxaana lagu macneeyey mid shacabku shaybaadhayo midka dantoodu ugu jirto.

Siyaasada gobolka AWDAL ayaa ah mid xaraaradiisu aad u kacdey oo wali helin qaboojiyayaal dejiya xiisada ka dhex curatay hanmaaganayaasha isku haybta ah ee ku hirdamaya in mid waliba dhankiisa soo baxo.

Warar xogogaala oo aanu ka helayno gobola awdal ayaa tibaaxaya in bulshada laftigoodu qayb ka yihiin kor ukaca xaraarada siyaasada awdal oo ay ujiibinayaan maaliba kii darka yimaada.

Comments

comments