Ciidamada Talyaaniga Oo Bad-baadiyey 3000 Tahriibayaal Ah Todobaadkan.

70

Dad ka badan 3000 Tahriibayaal ah ayaa sabtidii todobaadkan laga soo badbaadiyey bada Mediterranean Sea.

Tiradan badan ee tahriibayaasha ah ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee hal maalin laga soo badbaadiyo biyaha u dhaxeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Ciidamada Badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in hawlgalkii shalay ay ka qeyb qaateen maraakiib badan oo ay leeyihiin ciidamada Italy, kuwa EU-da iyo hay’adaha madaxa banaan ee u gurmada Tahriibayaasha.

Ugu yaraan 20 doonyood oo waday dadkaasi Tahriibta ah ayaa loogu tagay iyagoo bada dul sabeenaya, wallow aan la sheegin wax dhimasho ah. Waxaan sidoo kale weli la shaacin jinsiyada ama dalalka ay kasoo jeedeen dadkaasi lasoo badbaadiyey.

Tan iyo horaantii sanadkan ayey dad ka badan 43-kun oo Tahriibayaal ah ay gaareen qaarada Yurub.

Comments

comments