Arsenal Oo 25 Jeer Ku Soo Af-jartay Kulamadii Ay Manchester United Dhinaceeda Dhulka Dhigi Kari Waayeen

75

Kooxda Arsenal ayaa soo af-meertay 25-kii jeer ee xidhiidhka ahaa ee ay mar kaliya Manchester United dhinaceeda dhulka hore u dhigi kari waayeen horyaalka Premier League, korna u soo qaaday rajadii iyo hiigsigii ay ku doonaysay ka mid noqoshada afarta kooxood ee ugu sareeya.

Kadib qaybtii hore oo la isku mari waayay, Granit Xhaka wuxuu ku daah-furay gool dhalinta kubad ka soo boodo ahayd oo uu meel durugsan kaga celiyey, taas oo silama filaan ah uga danab kacday goolhaye David de Gea.

Waxaanay hogaanka ciyaarta laban laabeen, saddex daqiiqadood oo kaliya kadib markii Danny Welbeck madax kaga xareeyey kooxdiisii hore, kubad uu soo jebiyey saaxiibkii Alex Oxlade-Chamberlain.

Jose Mourinho wuxuu isku dayay inuu ciyaarta ku bed-baadiyo Marcus Rashford iyo Jesse Lingard, laakiin awoodaasi way noqon weyday mid madaxa kor ugu qaada kooxdii martida ahayd.

Natiijada ciyaartan ka soo baxday waxay ka dhigan tahay in Arsenal ku negaatay kaalinta lixaad, laakiin ay wali laba dhibcood ka hooseeyaan kooxda Manchester United oo shanaad fadhida, halka Manchester City oo afraad joogtana ay lix dhibcood hoos fadhiyaan, iyadoo labada naadiba hal ciyaar ah oo ay yeesheen ay dheer yihiin.

Comments

comments