War Deg Deg Ah: Muxu Daarna Kulankii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiye Cirro? Yaab

466

Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu goor dhaweyd qasriga madaxtooyada Somaliland uu kula kulmey Madaxweyne Siilanyo .

Gudoomiye Ciro ayaa waxaa dhinaciisa kulanka ku wehelinaayey Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani , waxaana dhinca madaxweyne Siilanyo ku wehelinaayey Ku Xigeenkiisa Saylici Iyo Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Musharaxa Cabdiiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu madaxweyne Siilanyo kala Hadley masuulyiin dhalinyaro ah oo xisbiga Waddani ka xidhan in muddo ah isla markaana saaka mar labaad dhegeysiga dacwadooda mar labaad la hor keenay maxkamada

Sidoo kale Muddane Ciro ayaa waxaa uu madaxweyne Siilanyo kala Hadley sidii saddexda Musharax ee UCID , Waddani Iyo Kulmiye ay doorashada madaxtooyada ugu tartami lahayeen si xalaal ah isla markaana Dumuqraadiyad ah , madaxweynuhuna uu odey uga noqon lahaa .

Madaxweyne Siilanyo ayaa dhamaan soo jeedimahaas waxaa uu fiican uga dhigeystay Musharax Cabdiraxmaan Ciro iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde isla markaana uu ka ablay , waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay in dalkan ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah

Comments

comments