Somaliland: Saraakiisha WADDANI Ka Xidhan Oo Maanta Mar Kale La Hor Keenayo Maxkamadda Gobolka Hargeysa

70

Wararka aan saaka helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta la filayo in markii Saddexaad la horkeeno maxkamadda gobolka Hargeysa Laba sarkaal oo xisbiga WADDANI ka tirsan oo muddo Bil iyo dheeraad ah ku xidhan gudaha Magaalada Hargeysa kuwaas oo maalmihii u danbeeyeyba dhagaysiga dacwadoodu ka socotay maxkamadda gobolka Maroodijeex Hargeysa.

Labadan sarkaal ee ka tirsan xisbiga WADDANI ee la filayo in maanta markii Saddexaad la horjeeno maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa waxay kala yihiin gudoomiyihii garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis.

Fadhigan saaka ee maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa naloo sheegay inuu yahay dhagaysiga difaacida qareenada u doodaya saraakiishan kuwaas oo ka difaacaya dambiyada ay xeer ilaalintu kusoo oogtay saraakiishan,waxaana la filayaa in maxkamaddu intaasi kadib ay mar kale mudayso kulan danbe oo lagu dhawaaqayo natiijada kasoo baxda dhagaysiga dacwadan loo hayso Labadan masuul ee WADDANI ka tirsan.

Gabagabadiina labadan sarkaal ayaa muddo Bil iyo Dheeraad ah ku xidhan magaalada Hargeysa iyaga oo la filayo in dhawaan maxkamadda gobolka Hargeysa ay go’aamo kasoo saarto dacwadan loo haysto Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis.

 

Comments

comments