Somaliland: Mujaahid Cali Gurey Oo Ku Soo Hal Qabsaday Hdaladii Cigaal “Dr Bulxan Sharciga Ayaa Meel Mariyey Inkastoo,,,,

401

Somaliland iyo dadkeeda waan aqaan saa waaban ka dhashaye. Hadalkii Alleh ha u naxariisto eh Cigaal ayaa 100% sax ahaa.

Wuxu yidhi oo laga guntay “20 sanadood ka dib anigu idin lama joogo laakiin waa laga yaabaa in daaro dhaadheer oo muraayado ah Hargeysa laga dhiso oo inanta adhiga la joogtaana ay tilfoonka gacanta qaadato. Waa wax dhci kara lakiin dadku waa dadkan uun wax u kordhi doonaa ma jiro.
Way fiicnaan lahayd hadii arimaha la isku maandhaafo marjaca loo noqonayaa uu noqon lahaa Dastuurka iyo shauruucda dalka ee lagu heshiiska yahay. Hadii ay sidaasi jiri lahayd waxa lagu murmi lahaa arinkaasi waa sharci iyo waa sharci darro. Markaa xukunku wuxu noqon lahaa qaynuunka oo qofku hadii uu ku talaabsado wax ka hor imanaya sharciga dabcan sharciga ayaa la hor geyn lahaa oo lagu abaal marin lahaa. Laakiin Somaliland sidaa maaha hebel Muqdisho wuu tegi karaa iyo ma tegi karo ayaa lagu murmaa. Anigu arin kasta oo la isku maandhaafo inta aanan wax kale eegin waxan dib ugu noqdaa sharciga Somaliland mawqifkayguna mar kasta waa waxa uu sharcigu ka qabo oo hadii uu diidan yahay ama uu qofku ku xadgudbayo waan ka soo horjeedaa hadii aanu jirin sharci uu ku xadgudbayo dabacan waxaan doono anigu aan ka qabo lakiin ma dafiri karo wax uu xaq u leeyahay qof muwaadin ahi oo aanu jirin sharci u diidayaa xataa hadii aanan waafaqsanayn anigu shakhsiyan talaabada uu ku kacyo anigu xaq uma lihid ma odhan karo.Hadii kale weelka aan wax ugu miisayaa wuxu noqonayaa jacaylkayga iyo nacaybkayga iyo fikirkayga sax iyo qalad hadba siduu aniga iigu muuqdo. Way jiraan dad badan oo aanay haynin aqoon darro laakiin ku qasban in aanay ka hor imanin dhengegaalaha faraha badan ee aqoon iyo khibrad siyaasadeed iyo mid sharci midna lahayn ee wixii dhegta loogu rido uun ku dhawaaqa ee xaalkoodu yahay DOONIMAYNO ee aan hadana garanayn, inta badani waxay doonayaan iyo halka ay u socdaan. Qofka aan garanayn waxa uu doonayaa halka uu u sodana ma garan karo.
Waxa marag cad ka ah inta arin tabo iyo xeelado siyaasadeed ah uu soo dhigay Alleh ha u naxariisto eh Cigaal ee hayaay Xamar buu nagu wadaa iyo waa khiyaamo qaran la yidhi ee xataa Wasiiradiisii ay kaga hor yimaadeen ee beri dambe uun hadana la yidhi “waynu kula boodnay uun odayga eh isagaa sax ahaa”. Waa goorma goorta ay miyirsadeen? Waa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen taladii la garan waayayna la gaadhi kari waayay

Laba tusaale oo keliya ayaan soo qaadanayaa mid wuxu ahaa ka hor Shirkii Carta markii uu yidhi Kursiga Qaramada Midoobay aan ku doodno in Somalia aanay keligeed lahayn ee aynu la leenahay weliba inagu kaga xaq leenahay oo Madaxbanaanida uga horaynay? Wixii ka dhacay waa tii aynu ogayn inteenii ogayd.

Ta labaadna waxay ahayd Shirkii Carta ee siiyay sharciyadda ilaa maanta ay haysato Dawladda Muqdisho oo hadii ay Somaliland ka qayb geli lahayd ay miiska garaaci lahayd oo ku doodi karaysay in Jumhuuriyadii Soomaaliyeed ee lixdankii ku dhalatay israacii aan shuruudda lagu xidhan ay 31 sanadood dabadeed burburtay iyaguna ay masuul ka yihiin waxa marag cadna u ah wixii dhacay 31kii sanadood. Sidaa daraadeed ama waa in laba maamul na loo kala aqoonsadaa ama inta aanu wax uun ku heshiinayno labadyada midna waa in aan aqoonsi la siinin keligeed. Laakiin markii afka Cigaal laga maqlay inu doonayo in laga qayb galo wixii dhacay waynu ogayn waana ta indhaheena oo shan ah u suurtogelisay Muqdisho keligeed loo aqoonsado Dawladda keliya ee soomaaliyeed Somalilandna inaga oo Somaliland ahna aan la islaba soo qaadin ee la inoo aqoonsaday in aynu qayb ka nahay Somalia oo Dawladda Muqdisho wada metesho labadii dal( Somaliland iyo Somalia) ee ku midoobay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed 1960kii iyada oo cid waliba ogtahay inay kala tegeen 1991kii ilaa maantana ay kala yihiin sidii ay kala ahaayeen intii ka horeeysay 1dii Julay 1960kii.

Markaa Bulxan Muqdisho ma tegi karo haye eh ma sharci baa u diidan marka hore? hadii aan sharci u diidani jirin balse aanu tegin ee iskaba joogo Somaliland iyo qadiyadeedii wax ma u kordhinaysaa oo wax ma ka bedeli kartaa halkii la dhigay arinkeeda, gaar ahaan dhinaca Bulshada Caalamku, tan iyo intii aynu dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda? Aniga ilama aha labada waxan u arkaa in aynu caayayno aqoonteena qadiyadeenana wax wayn u dhimayno marka aynu kuligeedba ka dhigno wax qof Xamar tegay uu wiiqi karo inaga oo runta og inta sifaha ay doonaanba ha ku tagaana inta reer Somaliland ee tagtay Xamar iyo inta maalin kasta ka soo noqota marka ay gidaarka ka soo go’aan dantii geysanay ay ka soo waayaan.

Anigu arinta Dr Bulxan waxan ka taaganahay halka uu sharciga Somaliland ka taagan yahay ee miyaan qaldanahay? Mise waxaydin i odhan Cabdillahi Geeljire ayaa kaa dacadsan oo adigu khaayin baad tahay. Kuwa sidaa i yidhaa aniguna waxan leeyahay “XUMAA WAXAAD XUKUNTEEN”. Waa sidii Ilaahay uu ku yidhi Qureesh markii ay yidhaahdeen wiilashana anagaa leh hablahana Ilaahay baa leh

Comments

comments