Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani waxaa uu ka war bixiyey kulan uu maanta qasriga madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Siilanyo

Muddane Ciro waxaa uu sheegay in kulan uu madaxweyne Siilayo uu la yeeshay uu ahaa go,aan iyo talo xisbi isla markaana ay ka wada hadleen laba qodob oo mid yahay arimaha doorashooyinka , midka kalana uu ahaa masuulyiin xisbigaasi ka xidhan iyo cadaadis uu sheegay in xisbigu uu ka tirsanaayo dhinaca xukuumada

” Xisbiga Waddani wuu ka shiray in la arko madaxweynaha markaas go,aan xisbi buu ahaa in aan la kulmo madaxweynaha , waxaana madaxweynaha la kulmay maanta aniga iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde anaga oo wakiil ka ah xisbiga Waddani , waxaana aanu madaxweynaha u gudbiney fariintii aanu ka qaadney xisbiga .

Comments

comments