“Diyaar ayaan u nahay inaan garaacno Arsenal” – Ander Herrera

105

Laacibka reer Spain ee Ander Herrera ayaa ka hadlay kulanka caawa kooxdiisu ay laciyaari doonto kooxda Arsenal.

Ander Herrera ayaa sheegay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay guul ka soo gaarto Arsenal oo mashaqo lugaha kula jirta isbuucyadaan.

Kooxda tababare Arsene Wenger ayaa marti qaadi doonta dhigeeda Manchester United oo ay ku loolamayaan xiliciyaareed kan u soo bixida Champions League.

“Diyaar ayaan nahay, waxaan ku jirnaa waqti fiican aad ayeeyna u adagtahay in dhinaceena dhulka ladhigo” ayuu yiri Ander Herrera.

“Sidoo kale ma fududa in gool nalaga dhaliyo, waan ognahay in Arsenal ay tahay koox aad u fiican, haysatana ciyaartoy cajiib ah oo daqiiqad walba wax kabadali kara ciyaarta”.

“Laakiin diyaar ayaan u nahay inaan guul ka gaarno”.

Comments

comments